Telefishinka & raadiyaha qaranka Jibuuti ee RTD ayaa si weyn uga hadlaya socdaalkii madaxweynaha Jibuuti uu ku tagey magaalada Muqdisho iyadoo madaxweyne Geele ay siday diyaarad khaas ah.

Madaxweynaha Jibuuti waxaa safarkiisa ku wehliyey wariyeyaal ka tirsan Tv-ga & raadiyaha Jibuuti kuwaasi oo warbixino kala duwan ka qaaday goobihii uu booqdey iyo madaxda dawlada KMG ee uu la kulmay madaxweyne Geelle.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa la socdey ciidamo ilaalo ah oo ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah kuwaasi oo si weyn u sugayey amaankiisa, waxaa kaloo amaankiisa ka qayb qaadanayey ciidamada AMISOM & kuwa dawlada KMG, ciidamada la socdey Madaxweyne Geele ayaa ah kuwa dhar cad ah & kuwa caadi oo hubaysnaa isla markaana dareyska ciidamada ku labisnaa.

Link hoose ka daawo warbixinada Telefishinka RTD ee Jibuuti ee socdaalka madaxweyne Geelle ee magaalada Muqdisho.