Dagaaladii cuslaa ee maanta ka dhacay deegaanka Sool-Joogta ee duleedka degmada Buuhoodle ayaa khasaare baaxad leh loogu geystey ciidamada Somaliland iyadoo laga qabsadey gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan kuwa ay ku rikaban yihiin qoryaha lidka diyaaradaha ee loo yaqaan ZUU 23.

Maleeshiyaadka deegaanada maamulka Khaatumo State ayaa si ba’an ugu gacan sareeyey dagaaladii maanta waxaana lagu qasbay ciidamada Somaliland inay dib u carareen goobihii ay soo weerareen, iyadoo la soo sheegayo in gurmad ciidan oo baaxad leh uu ka ambabaxay degmooyinka Burco iyo Oodweyne kuwaasi oo doonaya inay ka qayb qaataan dagaalka.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada Somaliland dagaalkii saaka loogu geystey, iyadoo tiro ciidamo maxaabiis ah gacanta looga dhigay, kuwaasi oo haatan lagu hayo degmada Buuhoodle.

Si aad u daawato jabkii loo geystey ciidamada Somaliland iyo waliba gaadiidkii laga qabsadey link-ga video-ga hoose riix
Halkan ka daawo

Halkan Riix

SBC News Desk