Barnaamijkan muuqaalka ah waxaad ku saabsan yahay dagaaladii cuslaa ee ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho, bixidii Shabaabka ee furimaha dagaalka, goobaha ay isku urursanayaan, taangiyada & ciidamada AMISOM oo sidii maleeshiyadka Soomaalida uga dagaalamaya dariiqyada & wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale barnaamijka waxaa ku jira muuqaalo naxdin badan oo ku saabsan geerida dadka shacabka ah ka soo gaaraya shacabka gaar ahaan duqeymaha arxanka daran ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah.

Barnaamijka waxaa kale oo ka muuqda goobaha ay qabsadeen ciidamada dawlada KMG & hadalada ay u jeediyaan dadka shacabka ah.

Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa ku sugan xaafadaha Hurwaa & Suuqa Xoolaha, Gubta & Dayniile qaybo ka mid ah halkaasi oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan kaasi oo aad ku daawan doontaan barnaamijka.

Qayb kooban oo ka mid ah Filimka hoos ka daawo ka dibna linka Video-ga hoose ka daawo barnaamijka oo dhameystiran, waxaana xusid badan inaanay barnaamijkaasi daawan karin caruurta yar yar.

Barnaamijka oo dhameystiran hoos ka daawo



Daawo