Usoo qaata miisaska Iskoolkiina (Ogow tani dunida ayay ka dhacayaa)+SAWIRO

Waxbarashadu waxay ka mid tahay arimaha aasaasiga u ah nolasha aadmiga, iyadoo la’aanteed ay tahay horumar la’aan shakhsiyadeed, mid qaran ama mid qaaradeed, tiiyoo ay inoo iftiiminayso muhiimada waxbarashada halkudhega Soomaaliyeed ee ah “Aqoon la’aani waa Iftiin La’aan”.

In ummadu dhexda u xirato hanaan waxbarasho waa lama huraan duruuf kasta iyo xaalad kasta oo la soo gudboonaata maadama ay ku xiran tahay gaarista nolol maqaam sare leh.

Dalka Shiinaha waa dalka ay ku nool yihiin dadka ugu tirade badan aduunka, waxaana lagu tilmaamaa inay ku nool yihiin 20% dadka dunida ku nool ama mid ka mid ah shantii qof ee dunida guudkeeda saaran.

Kororkaasi bulsho kama reebin Shiinaha in uu ku talaabsado horumar uu ku hiigsado sidii loo maareyn lahaa nolasha dadkaasi faraha badan ee u baahan in la jiheeyo hadii kale iyagu isku jeesan lahaa, waana mida keentey in dadka wadankaasi ay waxbarashada & tacabka nolasha ay ka dhigaan yoolkooda koowaad.

Inkastoo hamigaasi jiro hadana waxaa hareer socota duruufaha qalafsan ee dadka wadankaasi badankood haysta, tusaale ahaan tuulada Shunhe ee hoostagta magaalada Macheng ee gobolka Hubei waalidiinta ku dhaqan waxaa lagu wargaliyey 1-dii bishii September ee sanadkii hore in ilmahooda waxbarashada sanad dugsiyeedka bilaaamaya ay horey u soo qaataan miisaskii iyo kuraastii ay wax ku baran lahaeayeen.

Subaxnimadii ugu horeysay sanad dugsiyeedka waxaa deegaankaasi oo dhan arooryadii lagu soo wada toosay waalidiin iyo ilmo ay dhaleen oo dhabarka iyo madaxa ku dadaaminaya miisas si ay u geyaan goobaha waxbarashada.

Tani waxay ka dambeysay ka dib markii 3 kun oo ardey ah oo ku nool magaaladaasi ay ka qadeen tabaruc ay dawlada Shiinuhu ugu deeqdey dadka deegaankaasi iyadoo u qaybisay 2 kun oo miisaska waxbarashada, waxayna arintaasi keentey in 3-dii kun ee ardey ahaa ee miisaska aan helin ay waalidkood dhabarka iyo madaxa ku soo qaadaan miisas ilaa ay ka keenaan goobta waxbarashada.

Arintan waxay muujinaysaa sida waalidinta deegaankaasi ku dhaqan ay uga go’an tahay in ay ilmahooda u helaan hanaan waxbarasho si aanu hadhow u noqon qof natiisa dayacan tahay oo aan jid iyo jido midna haysan, nolashana ku qasaara.

Maxamed-Khadar Isxaaq
SBC International London

2 Responses to Usoo qaata miisaska Iskoolkiina (Ogow tani dunida ayay ka dhacayaa)+SAWIRO

  1. abaadir says:

    aad iyo aad ayay muhiim u tahay in lahelo dad aruuriya qaabka wax loogu barto aduunka waliba noocyada si adag wax u barta si ay ugu waana qaatahan somalida aan u arkin waxbashada iney muhiim ahayn aad ayaan ugu farax sanahay inaad no soo gudbisaan dhacdooyinka oo kale oo dad badan hada kadib ku dadaali donaan si ay ilmohooda wax u baraan anigu ka mid ahay

  2. roodo says:

    runtii waa arinlat\yaableh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII