TIDES
Ururka Maxaliga ah ayaa  aqoon iswaydaarsi u qabtay qaar ka  tirsan warbaahinta kuwaas oo isugu jira idaacado , jaraa’ido iyo sidoo kale dad kale oo qayb ka ahaa Aqoon iswaydarsigan oo looga doodayey dhibaatooyinka gudiniinka fircooniga ah sidii bulshadda looga wacyi galin lahaa loona samayn lahaa erayo dadka lagu tusayo dhibatadda uu u gaysto haweenka xiliyada umusha iyo xiliga caadadu ku dhacdo oo ay u sii dheertahay wakhtiga dhalmada.

DSC00615 

Waxaana barnaamijkan qayb ka ahaa Ha’yadda UNFPA iyo wasarada Haweenka iyo Arrimaha Bulshada Puntland ,  oo si wada jira dadka ugu dhiri galinayey in ay ka fogadaan cadda mudo soo jiitamaysay haweenkuna uga badbadaan.
t2

Gudoomiyaha Ururka Maxaliga ah ee TIDES Caduur Aadan Caduur oo ka hadlay aqoon iswaydaarsigaan ayaa sheegay in uu yahay mid dadka looga wacyi galinayo Dhibatada Gudniinka fircooniga ah ee hawenku dhibta kaga yimaada, waxaana uu intaas ku daray in ay ka caawinayeen hirgalinta barnaamijkaan Ha’yadda UNFPA iyo Wasarada Haweenka oo ay  yihiin Bahwadaag wada shaqeeya.

DSC00696

Waxana uu socday aqoon iswaydarsigaan mudo labo maalmood ah oo ay ka soo saareen erayo waxyo galina ah ama fariimo loo gudbinayo bulshada ku nool Puntland.
t1

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe