Masuuliyiin kasocota Ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed ee Nusj oo maanat deeq lacageed gaarsiiyay  Wariye Xasan Maxamd Cali [Xasan Anteeno] oo mudooyinka dhul ool u ahaa Dhaawac loogeysaty.

Waxaa masuuliyiintan Deeqda Gudoonsiiyay Wariyahay Hogaaminaya Wakiilka Puntland u qaabilsan Ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed ee Nusuj Mudane C/di wali Xasan Gooni sidookale waxaa masuuliyiintii Gooni weheliyay kamid ahaa Ayuub C/diraxmaan Maxamd  oo ah Xubin kamida  Ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed ee Nusuj.

Markii ay masuuliyiintu  gaareen Hospital Puntland oo ah goobta uu kujiray wariye Xasan ayaa waxaa Saxaafada lahadlay C/diwali Xasan Gooni oo sheegay in booqashadoodu ay ku salaysantahay in ay dhibaatada laqaybsadaan walaalkood Xasan Maxamad oo Dhaawac Dhul jiif u ah wuxuun masuulku sheegay in uu arinkani yahay arin aad umudan In halmeel looga soowadajeesto, wuxuuna Wariye Xasan ku wareejiya Lacag gaaraysa 1000 Dolar oo uu sheegay in ay walaal kood u soo hibeeyeen walaalihiisa Madaxda ka ah Ururka Saxafiyiinta Qaranka Somliayeed , waxaana C/diwali  kamuu qatay xiligii uu Lacagta Gudoonsiinayay Wariye Xasan Qiiro taasi oo laga dheehan karay sida uu uga damqaday Dhibaatada haysata Wariye Xasan C/diwal  Gooni ayaa ku dheeraaday dhibaatada haysata Wariyaasha ka hawlgala Somlia kuna tilmaamay in ay yihiin Halyeeyo Somliyeed oo kaalin ka qaatay Dhibaatada uu kujiro Dalkeena sidii looga samata bixin lahaa.

Intaasi kadib waxaa isna hadlay Wariye Xasan Anteeno isaga  oo  u mahad celiyay Masuuliyiinat Ururka Saxafiyiinata Qaranka Somliyeed ee Nusuj ugan  mahd celiyay deeqda ay soo gaarsiiyeen.

Aad aayn ugu faraxsana hay Booqashada ay maanta iigu yimaadeen masuuliyiinta ururka saxafiyiinta qaranka somliyeed waxaan dareemayaa in aan ahay qof Haysata wehel awal waxaan u haystay in aan ahay qof Qariib ku ah Puntland laakiin Saxafiyiinta ku dhaqan Puntland gaar ahaan kuwo Gobolka bari waxay idareen siyeen in aan ahay qof jooga meeshii uu kasoojeeday sidaasi waxaa yiri Wariye Xasan Anteeno.

Wakiilak NUSUJ uqaabilsan Puntland Mudane C/diwali Gooni ayaa sheegay in ay deeq tan lamida dhawaan gaarsiin doonaan wariye Xoriyo C/duqaadir oo iyana dhawaan ay dhaawac u agysteen dad aan haybtooda lagaranayn .

Ururuka Saxafiyiinata Qaranka Somliyee ayaa mudooyinkii danbe ku hawlanaayeen  wax uqabashada wariyayaasha  kudhibaataysay Gudaha Dalka Somlia.



Cismaan Saalax Ismaaciil

SBC International Boosaaso