Muqdisho, 25 Luulyo, 2015

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxa uu tacsi u dirayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Cabdikarim Macalin oo ahaa wakiil wareedka Universal ee Gobolka Gedo oo maanta weerarkii Qaraxii Hotel Jazeera ku dhintay, waxaana Alle iuga baryeynaa in uu Janadii fardowsa ka waraabiyo.

Waxaa sidoo kale Ururka Suxufiyiinta Qarnaka Soomaaliyeed Alle in caafimaad deg deg ah siiyo weriye Salmaan Saciid oo sidoo kale u shaqeynayay Telefishinka Universal oo dhaawac ka soo gaaray isha bidix iyo gacanta bidix, isagoo qaraxii Hotel Jazeera isna ku dhaawacmay. Haatana lagu dabiibayo isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wixii Faahfaahin arrintan ku saabsan waan idiin soo gudbin doonaa insha allah.