Xaflad ubalaaran oo si weyn loo soo agaasimay laguna maamuusayey sanad guuradii 51waad ee xornimadi Soomaaliya oo ee soo agaasimay ururka midowga ardadda Soomaaliyeed ayaa xalay ka dhacday xarunta weyn ee shirarka ee jaamcada International University of Africa.

Xuska munaasabadan waxa kasoo qayb kagay jaaliyad Soomaaliyeed ee Sudan dhamaanba ururadda kala duwan ee ka hwolgala dalkan Sudan, oqoonyahano qurbaha fog qaarkood ka yimaadeen, gacansato iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Sudan.

Xafladaan oo meela badan ka dhacday oo ka mid ah dunida daafeheed ayaa Sudanna ka dhacday dhowr meelood markii dadweynaha dabaaldegayey hall qaadikara lawaayey.

Ururka midowga ardadda Soomaaliyeed oo isagu xafladaan soo agaasimay masuulna ka ah dhamaan ururdda ardadda Soomaaliyeed ee kacjira dalka Suudan ayaa u fasaxay dhowr urur oo kale inay dhankooda ka qabtaan xafladaan maadaama aan hal hall (goob) oo wada qaadi kara ardaydda aan la helayn xogayaha guud ee ururka midowga mudane Maxamed C/qaadir Aadan (ANDHI) isagoo ka hadlaayey arinkaasna wax uu yiri “Anagaa u fasaxnay qabashada xafladaan inay qabtaan dhowr urur oo ay ka mid yihiin ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Sudan si dadku uga wada qayb galan oo aan cidna boos u waayin loona wada farxo”

Xaflada ayaa ahayd mid ay haraysay qiiro wadaninimo dadka waxa kamuuqatay wajiyadoodda hilow iyo kalgacayl iyadoo dhamaanba dadku xusayeyn halgamayaashii Soomaaliyeed sida (Axmed Gurrey,Seyid Max’ed , Xaawo Taako & ururadiiu u soo halgamay xoriyadda ummada Soomaaliyeed iyo dhamaanba inti halgankii ka soo qayb qaadatay.

DAAWO SAWIRADA

W/Q:Max’ed Yusuf Saciid (dorge)
Khartoum,Sudan.
E.MAIL:dorge41@hotmail.com