Qoysaskaaan manta lacagta loo qaybiyey oo gaarayey shan iyolabaatan qoys oo barkacayaal iyo danyar isugu jira waxaa midkiiba lagudoonsiiyey lacag gaaraysay sadex boqol oo doolar waxayna ku abuuran doonanganacsiyo yaryar ururka maxaliga ah ee taakulo oo ka howl gala deeganadaPuntland ayaa fuliyey mashruucaanmaalgalinta loogu samaynayo qoyska danyarta iyo bakacayaasha isugu.

Barnaamijka lagu maal galinayo barkacayaasha iyodanyarta oo ay bixiso hayada qaxootigaaduunka ee UNHCR waxaa uu ka socday deeganadaPuntland sadexdii sano ee la soo dhaafay iyadoona ay ka faaidaysten qoysas badan oo horay lacago loo siiyey.

Madaxa ururka maxaliga ee taakulo mahdi cali cismaan ayaa kawaramaya mudada uu soosacday barnaamijkanlacagaha lagu siinayey qoysaska danyarta iyo barkacayaasha ah lacagta aysiiyeen iyo qaabka ay ku soo xireen waxaana uu sheegay in qoyskii ay siyeen sadexboqol oo dolarka maraykan ah dadka ka faaidaystay lacagta la siiyeyna ayahaayeen barkacayaal iyo danyarta degaanka oo uu sheegay in ay u soo xuleendadka aan waxba haysan xaaska caruurtooduna badantahay isla markaana aah haysan wax shaqa ah iyo ciday ku tiirsan yihiin waxaana uu intaasi ku daray in siyeen siminaar ku aadanhabka ugu haboon ay u samaysan karaanganacsiyo yar yar.

Ugu dambayntiina waxaa uu sheegay in dadkii horay ugufaaidaystay deeqada lacageed ay haatan leeyihiin ganacsiyo yar yar oo ay kahelaan nolo maalmeedkooda.

Qaar kamid ah haweenka maanta lacagta la gudoonsiiyey kawaramaya dareenkooda iyo lacaga ay heleen waxay uga faaidaysandoonaan waxna aytilmaameen in ay aad ugu baahnaayeen lacagta la siiyey isla markaana ay kusamaysandoonan ganacsiyo yar yar oo ay ka furan doonan kaamamka ay daganyihiinkuwaas oo sheegeen in ay rajaynaaan waxbadan ka rajay ka qaban doonto baahiyahooda.

Waa markii labaad ee ururka taakulo uu lacago siiyo qoysaska barakacyaasha iyo danyarta ah eedhaqankaamamka magaalada Garoowe.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe