Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa tababar la xariira dabagalka iyo u qareemida Garowe maanta oo Sabti ah ugu furtay labaatan wariyayaal ah kuwaasoo qaarkood Gobalada ka yimaadeen.

Furitaankiisa waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Dalada PUNSA, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Puntland iyo sarkaal ka socday Hay’adda NAD oo tababarkan bixinayay wuxuna socon doonaa mudo labo cisho ah.

Gudoomiyaha MAP Faysal Khaliif Barre ayaa sheegay inay muhiim tahay wariyaasha ka qayb galay inay ka faa’iidaystaan daruusta lagu bixinayo tababarka kuwaasoo salka ku haya shaqooyinka ay hayaan warbaahinta.

In macne badan laga haysto qareemida iyo dabagalka saxaafada gudaheeda ayuu sheegay Faysal inay muhiim tahay wuxuna ammaanay shaqada adag oo ay dalka iyo dadka u hayaan.

Nuur Shire Cismaan oo PUNSAA ka socday ayaa cadeeyay saxaafada in looga baahan yahay inay dadka usoo bandhigaan waxyaabaha dhabta ah ee jira, ayna ka fogaadaan waxyaabaha anshaxa saxaafada ka hor imaanaya.

Xassan Cade oo ka socday Hay’adda NAD ayaa tababarka bixinaya wuxuna sheegayaa Qareemida iyo Dabogalka waxay tahay iyo in suxufiyiintu faham buuxda ka haystaan.

Waa tababarkii ugu horeeyay oo saxaafada Puntland loo qabto mid la mid ah ayaa todobaadka soo socda lagu qaban doonaa magalada Bosaso.