Werarkaa oo ka dhacay Bartamaha Paris ayaa sababay in u hal askari ku dhinto, labo kalena ay ku dhaawacmaan.

Afhayeen uhadlay wasaarada gudaha ayaa sheegay in weerarkan ahaa mid qorshaysan, islamarkaana si toosaa lagaga beegay taliyaha ladilay.

Dhawaaqa xabadaha ayaa la maqlay ku dhawaad 21:00 Pm , saacada Grinitish-ka ee dalkaas, agagaarka gobaha dukaamaysiga ee Marks iyo Spencer.

Dhacdadan ayaa ciidanku sheegayaan in ay naxdin iyo cabsi saaid ah ay ku abuurtay dadkii goobtaasi marayay iyo waliba dalxiisayaashii halkaasi ku sugnaa.

Wakaalada Acmaaq ee ku hadasha afka ururka ISIS ayaa sheegtay in weerar yahan ka tirsan kooxdeeda oo lagu magacaabo Abu Yousef Belgian uu ka gaysty weerarkan gobolka Champs Elysees.

Dhanka kale madaxwaynaha Faransiska Francois Hollande ayaa hore u sheegay in ay jiraan raadad argagixiso ay ka danbeetaan falkan .
Hadalkan ayuu sheegay marki wadahadal degdeg ah uu la yeeshay raisal wasaaraha iyo wasiirka gudaha ee dalkaasi,

Madaxwaynaha Holand ayaa sheegay weerarkaa dabadii in laysugu yimaado shir degdeg ah oo lagaga hadlayo arimaha amaanka , iyado ay ka soo qayb galeen masuuliyin waawayn oo isugu jira kuwa sirdoonka iyo kuwa difaaca.