Urur goboleedka Igad ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ay aqoonsanayaan wixii ka soo baxa shirka Culimaa udiinka Ahlusuna waljamaaca ugaga soconaya Degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud, iyagoona sheegay in aan waxjiro aheyn hadalada sheegaya in Igad aysan daacad ka aheyn Horumar iyo Nabad ay kula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed.

Jamaal Axmed Ibraahim uqeybsanaha Ururka Igad arimaha Soomaalliya ayaa ka hadlay Shirka Culimaaudiinka Ahlusuna waljameeca u soconaya isagoona ku nuux nuuxsaday Arimo farabadan oo ay ka mid yihiin qaabka wada shaqeynta iyo xalinta khilaafaadka umada Soomaaliyeed gaar ahaan Ahlusuna waljamaaca.

Waxaa uu intaasi ku daray uqaabilsanuhu in lagu eedeeyo had iyo jeer xaaladaha kala duwan ee somaaliya ururka Igad, isagoo taasi beeniyay kuna baaqay in ay ka haboontahay in runta la isku sheego.

sikastoo ay ahaataba Shirka u socda Ahlusuna waljameeca ayaa waxaa hadalo kala duwan ka soo kala jeediyay masuuliyiinta Culimaaudiinka Ahlusuna kaas oo ay ku cabirayaan in loobaahanyahay xiligan horumar laga gaaro arimaha murugsan ee ka jira gobolada Dhexe iyo guud ahaan dalka .

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Caabudwaaq