Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dhinacyada bulshada ee magaalada qardho iyo waliba masuuliyiin ka tirsan dawlada puntland ayaa ahaa dood cilmiyeed ku saabsan amniga kaasoo dadkii ka qayb qaatay ay ku lafagureen faaiidada amniga uu u leeyahay bulshada iyo sidii wacyigalin joogta ah looga samayn lahaa dilalka ku aadan Aanada qabiilka oo si aad ah ugu soo Laablaabta deegaanada ku hareereeysan magaalada iyo gudaheeda.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada puntland ee wax ka barata dalkaasi Suudaan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas,uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiiro dowlaha Madaxtooda Puntland ee dhanka Sharciyada Generaal Yuusuf Axmed Kheyr Taliyaha booliiska Puntland Gol Maxamed Saciid Jaqanaf iyo gudoomiyaha magaalada qardho Maxamed Saciid Hogaamo Laroor iyo mas,uuliyiin kale.

Maxamed Saciid Mire oo ah gudoomiy ku xigeenka ururka dhalinyarada reer suudaan oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid ay ka wadeen magaalooyinka puntland ayna sii soco doonaan isagoo intaasi ku daray in dowlada iyo shacabka ay iskaashi xoogan ka sameeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadka aanada qabiilka wax ku dila odyaasha iyo waalidiintana ay noqdaan kaalinta ugu horaysa ee wax ka qabata arintaas.

Taliyaha booliiska puntland Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa u mahad naqay dhalinyarada wax ka barata suudaan oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo dalkooda iyo dadkooda jecel uuna ku baraarujiyay in ay sii wadaan wacyigalinta xoojinta amniga waxaana uu intaasi ku daray in ciidamada amniga iyo shacabku ay wada shaqeeyaan loona baahan yahay in la sii xoojiyo.

Ugu danbayntii waxaa isna halkaasi ka hadlay Yuusuf axed Kheyr Wasiiro dawlaha Madaxtooyada Dhanka Sharciyada oo isna si aad aha ugu dheeraaday amniga iyo sharciga oo uu ku nisbeeyay in ay yihiin mataamo wadashaqeeya odoyaashana looga baahan yahay in sharciga ay horgeeyaan Aanada qabiilka dadka wax ku dila.