Shirkan ayaa ufurmay dallada ay ku miday sanyihiin Uruurka Aan Dowliga ahay Ee Punsaa waxayna ka soo qayb galayaasha kulankaani ka kala yimaadeen guud ahaanba deegaandada puntland socondoonana muddo laba cisho.

Kulanka ayaa waxaa uu ka qabsoomay Hoolka shirarka Hotel New rays Ee magaalada Garoowe waxaana Ujeedda iyo waxyaabaha Looga hadlidoona inta uu socdo kulankaani  Faafaahin ka bixisay Xiriiriyaha Hay’ada Punsa Faadumo Ibraahim Aadan  Faadumo Maalta ayaa sheegtay in shirka looga hadlidoono maamul wanaaga iyo xaalada Guud ee Dalka sidii xal loogaHeli lahaa oo ay Uraradu ka Doodidoonaan.
 
Inkasta oo qodobada loogaga Doodayo qaarkood ay muhiimad gaar ah u leeyihiin ururada bulshda rayidka ah hadana marka la eego qaabka ay u shaqayso siyaasada soomaliya waqtigan ayaan ahayn badi mid soo dhawaynaysa talooyinka iyo artiyada ka yimaada ururada bulshada rayidka kuwaasi oo ka Tarjumaya xaaladaha dhabta ah wallow uu maamulka puntland wada shaqayn wanaagsan la leeyahay qaybaha kala gadisan ee bulshada rayid ka ah.

Waxaana kulanka uu Ahaani doonaa mid ay ku soo qayb galayaasho ay fikraddo kala Duwan ay isku waydaarsan doonaan iyadoona aysan ahay sanmarkii ugu horaysay ee ay shirar caynkaani ah ay iskugu yimaadaan Urarada Bulshada Eek u midaysan Pusa .





Cabdi Caziiz Ibraahim Axmed(Cabdi caziiz okey)
SBC International Garoowe