Ururada Dhalinyarada Gobolka Mudug ee ka kala jira Labada dhan ee ay ka kala arimiyaan Puntland iyo Galmudug ayaa kulamo ay ku yeesheen magaaladaasi waxa ay kaga dhawaaqeen in ay ku guda jiraan howlaha ku aadan sidii loo qaadi lahaa qadka cagaaran ee kala bara koonfurta gaalkacyo iyo waqooyiga Gaalkacyo.

Kulan Balaaran oo ay dhalinyaradaasi isutagtay Maanta ku yeesheen gudaha  goobta loo yaqaan Qadka cagaaran ee magaalada Gaalkacyo waxay ku sheegeen in ay qaadi doonaan qadka cagaran soona celin doonaan isku gudubkii labada dhinac ee magaalada.

Kulamadan ay yeelanayaan Dhalinyarada ayaa ahaa kuwo soo jiitamayay oo dhinacyo badan ay isugu imaanayeen si ay uga tashadaan xaaladaha amaan ee magaalada Gaalkacyo iyo qaadista qadkan Cagaaran, taasi oo ay iminka meel fiican u mareyso sida uu noo xaqiijiyay Khaliif oo ka mid ah Ururadaasi.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaas oo la hadlayay xafiiska SBC ee Gaalkacyo ayaa muujiyay in ay ku faraxsanyihiin howlahan ay ku qaadayaan khadka cagaaran iyagoo tilmaamay in haatan waxii ka dambeeya ay qaadeen khadkii cagaarnaa ee kala barayay magaalada Gaalkacyo.

Khadka cagaaran ee Magaalada gaalkacyo waa goob kala barta labada dhinac ee Magaalada gaalkacyo dhanka Waqooyi iyo dhanka Koonfureed waxaana tan iyo intii halkaasi lagu magacaabay Khadka cagaaran aan jirin wax isku gudub ah oo ay sameeynayeen shacabka labada dhinac ee magaalada kala degen .

Isku soo wada duub dhalinyarada ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday ol ole ay wax kaga qabanayaan xaaladaha amaan ee magaalada Gaalkacyo taasi oo iyaga iska xilsaaray.

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo.