Ururada Bulshada rayidka ah iyo sidoo kale kooxaha u dhaqdhaqa bulshada ayaa ku baaqay in maxkamada Danbiyada Dagaalka ee ICC ay u yeerto Madaxweynaha Wadanka yemen Cali Cabdalla Saalax

Haweeneyda Sannadkan ku guuleystay Abaalmarinta NObelka ee dhinaca nabada ayaa wareysi ay sii say wakaalada wararka ee AFP waxay ku sheegtay in ay ka dalbaneyso Maxakamada Hugae ku taala inay u yeerto keligii taliye Cali Cabdalla Saalax iyada oo ku eedeysay inuu dalka ka geystay Gumaad iyo xadgudub dhinaca Xuquuqda aadanaha.

Mss.Tawakkul Karman waxay sheegaytay inkulan ay la qaadatay Luis Moreno-Ocampo madax maxakamada Danbiyada Dagaalka ay kala hadashay sida ay u daneynayaan in xukun maxkamadeed rasmi ah la saaro mr Saalax iyada oo ku eedeyneysa inuu geystay Danbiyo dagaalka.

Haweeneyday u ololeyneysa in Maxakamada ICC looga Yeero Mr Saalax ayaa sheegtay inay hayso dukumentiyo kala duwan oo ku aadan waxyeelada soo gaaartay qaar badan oo ka mid ah dadka Dibadbaxyada ka dhiga Wadanka yemen iyo qaar badana ay goobjoog u ahayd iyada oo sheegtay in cadeymahan oo dhan ay horgeyn doonto maxkamada.

Tawakkul Karman waxay sannadkan qaatay abaal marinta Nabada ee Nobelka iyadoo lala siiyay Madaxweynaha wadanka Liberia haweeneyda la yiraahdo Ellen Johnson Sirleaf

Mss Tawakkul waxay sidoo kale ka mid ahayd dadka sida aadka ah u abaabulay dibadbaxyada lagu diidan yahay Mr. Saalax kuwaasi oo bilowgii sannadkan ka dhacay Magaalooyinka wadanka Yemen.

Hadalka Shacabka wadanka yemen ay ku dalbanayaan in Maxkamad la soo taago Madaxweyne saalax ayaa imanaya xilli Mr Saalax uu saxiixay heshiis uu awooda dalka ku wareejinayo isaga oo halkaas ka tegi doono isaga oo danbi la’aan ah.

SBC International Monitoring