Urur siyasadedka Midnimo oo maalmihii la soo dhaafay kulamo ku lahaa Magalada galkacayo qaybaha bulshada ayaa waxaa ay kor meer ku tageen qaybo ka mida carumaha caafimaadka iyo waxbarashada gaar ahaan jamacadaha iyo dugisiyada sare iyagoo qayb ka ahaa booqashadooda xarumaha ururadda bulshada iyagoo ujeedkunna ahaa furashada xafiska Ururka oo horay xafiisyo uga soo furtay Magaalooyinka Bosaso iyo qardho iyagoo wada qorshe kale oo ay xarun uga furanayaan Magaalada garowe

wafdigaan oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow oo ay ku weheliyeen siyaasiyin  ay ka mdi ahayeen Maxamed C/nuur oo horay musharax Puntland  uga soo noqday xilka Madaxtinimada iyo aqoonyahano ka tirsan ururka

intii ay Galkcayo  ku sugnayeen waxaa ay dadka ay la kulmen is waydaarsanayeen su’aalo la xirira hadafka loo asaasay Ururkaan iyo in uu u furan yahay cid walba oo muwaadin reer Puntland

waxaana isla maanta ay wafdigaani dib ugu soo noqdeen Magaalada Garoowe iyagoo wada qorshayaasha shirwaynaha uu ururku donayo in uu  ku qabsado garowe si ay ugu doortaan golayasha dowlada iyo Gudoomiyaha ururka

Ururka Midnimo oo dhamadkii sanadkii la soo dhaafay ee 2012 lagaga dhawaaqay kana mid ahaa Ururadda ku soo baxay buuxinta shurudihii Gudiga doorashoyinku ay ku kala saarayeen ayaa qayb ka ahaa ururadda kale ee danaynaya in ay kasbadaan shacbiyad badan si ay u helaan cod ay ku soo bixin karaan wajiga 3aad.

Filo sawiro







C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe