Urur siyaasadeedka UDAD kana mid ah ururada siyaasada ee xiligani kajira deeganada Puntland  ayaa maanta taagerayaashiisa iskugu soo baxeen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari

Isu soobaxaan ay sameeyen taageerayaasha ururka ayaa qayb wayn ka ah bilowga ololaha doorashooyinka ee ururada siyaasadu ay ugu jiraan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dhawaaan lafilayo in ay kaqabsoonto deeganada Puntland

Banaanbaxayaasha ururka ayaa ahaa kuwo watay Baabuur iyo waliba  boorar waawayn oo ay ku xardhanaayen ereyo ay ku muujinayaan taageeraha balaaran oo ay uhayaan ururka UDAD.

Madaxda Ururka ,masuuliyiin iyo dadweynaha ururka ayaa si isku mid ah ugu soo baxay wadooyinka waawayn ee magaalada Boosaaso oo ay socod ku mareen ka hor  inta aysan isugu imaan Garoonka Kubbada cagta  oo halkaasi hadalo ay kasoo jeediyeen masuuliyiinta ururka udad ee gobolka Bari iyo waliba Taageerayaasha ururka ee magaalada Boosaaso .

Daawo Sawirada
DSC00268 DSC00289 DSC00310 DSC00323 DSC00325 DSC00330 DSC00335 DSC00340

Maxamed Jabra
SBC International Boosaaso