Xafladan Balaaran oo ay ka soo qeybgaleen Masuuliyiinta ugu sareysay Ururka Hor-Cad Odayaal Dhalinyaro Cuqaal iyo dadweyne kale oo ka mid ah Taageerayaasha Ururka oo ku dhow 500 oo qof Kuwaasi oo xirnaa Funaanado iyo Koofiyado lagu xardhay Sumadaha Ururka

Shirweynaha Ururka Hor-Cad waxaa laga Akhriyay Buug qoran oo Dadkana loo qeybiyay oo ku aadan waxyaalaha u qorsheysan Ururka horcad hadii u ku guuleysto Hanka Siyaasadeed ee uu ka leeyahay Hogaanka Puntland .

Nabadoon C/qaadir Xarago oo ka mid ah Nabadoonada Deegaanada Puntland ayaa waxaa uu madasha ka sheegay in Nidaamkan uu yahay mid Muhiimad u leh Dadka aan siyaasada lagu dhex arki jirin ,

C/casiis Mahdi Maxamed oo Mid ka mid ah Dhalinyarada ka qeybgashay Xaflada Ururka ayaa ugu baaqay Masuuliyiinta C/casiis Mahdi Maxamed Xisbiga Inay ka dhabeeyaan Balanqaadkooda.

Masuuliyiinta Ururka Horcad ee Gobolada Puntland ayaa dhamaantood iyaguna ka warxbiyay Xaalada Gobolada Xafiisyada ku yaaala iyo Tirooyinka Dadka iska diwaangeliyay

Gudoonka Sare ee Ururka Horcad Cumar Ismaciil Waaberi, C/qaadir Axmed Ducaale iyo Zayidcali diiriye ayaa dhamantood qiray in ay Muhiimda koowaad siinayaa horumarinta iyo in dadku helo Cadaalada taasi ooo dhamaan Ay soo dhaweeyeen Taageerayaasha ururka eek u sugnaa Shirwenaha

Gabagabadii Munaasabada waa Golaha dhexe ee ururka Horcad ay U codeeyeen Hogaanka Urur siyaasadeedka Horcad oo Qaabkii doorashada u dhacday uu meesha ka sheegay Gudoomiyihii hore ee KMG ahaa C/qaadir Axmed Ducaale

Ururka Hor-cad waxaa uu ahaa Ururkii Labaad ee lagu dhawaaqay markii ururada siyaasada Puntland ay si rasmi ah u biloowdeen waxaana uu wadaa Dadaal balaaran oo uu ugu soo bandhigayo Shacabka Qorshayaashiisa.

 DSC02179 DSC02118 DSC02090 DSC02065 DSC02066 DSC02021
DSC02152 DSC02177 DSC02185 DSC02198 DSC02205 DSC02216