Ururka maxaliga ah ee SYSA oo ka  shaqayeeya yaraynta iyo xakamaynta gudninka fircooniga ah ayaa maanta magaalda garawe waxay tababar la xiriira dhibaatooyinka gudniinka fircooniga ah laga dhaxlo waxay uga fureen 30qof oo dhalinyaro kuwaaso oo ah dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalda Garawe.

Mudada tababarkan socdana waxaa lagu baridoonaa dhalinyarada ka qayb galaysa dhibaatooyinka uu keeno gudniinka fircooniga ah oo inta badan ah dhaqan adag oo ay leeyahiin dadka soomaliyeed isla markaan ay aaminsanyihiin marka la eego gudniinka gabadhaha soomaliyeed inkasta oo mudooyinka dambe ay muuqto olole balaaran oo lagaga soo horjeedo caado dhaqameedka gudninka fircooniga ah kaasi oo ay ka qayb qaadanayaan bulshada qaybaheeda kala duwan  oo dadka soomaliyeed looga wacyi galinyo dhibaatada fircooniga siiba hooyoyinka oo aaminsan intabadan in ay gabdhahooda ugudaan caadada fircooniga hase yeeshee ururka maxaliga ah SYSA  waxay sanadihii ugu dambeeyey ka shaqaynayeen sidii loo yarayn lahaa in habalaha da.yarta ah loo gudo fircooni taasi oo habalaha dhaxalsiisa dhibaatoyin farabadan oo ay ka mid yihiin dhanka caafimaadka oo ay dhibaatooyin ku yimadaan xiliyada ay gabadhu korayso sida xiliga guurka xiliga dhalmada iyo caqabado kale oo tira beel ah oo soo wajaha gabdhaha loo guday fircooniga oo ah caado dhaqameed ay leeyhiin dadka Soomaliyeed

Waxaana tababarkaani soconaya mudo kooban inta lagu gudo jiro wacyigalinta loo fidinayey dadka danyarta ah ee inta badan aan helin wacyigalino badan madama ay ka soo carareen goobo ay colaado ka jiraan oo ay la tacalayaan nolasha malintaasi dadka oo hadlay inta uu tababarku socday ayaa aad uga mahad celiyay Ururka Maxaliga ah ee SYSA oo barnaamijkaani wada oo gacan ka helayay ha’yada UNFPA.

DAAWO SAWIRADA


Maxamed Siciid
SBC INternational Garoowe