Ururka maxaliga ah ee taakulo ayaa maanta dad barkacayaal ah oo ku nool magaalda Garoowe gaarsiiyey deeq lacageed qoysaska lacagta la siiyey oo gaarayey 25qoys waxaa midkiiba la gudoonsiiyey lacag garaysa sadex boqol oo doolarka maraykan ah waxaana dadkan lacagta la gaarsiiyey ay bilow u yihiin ilaa 100qoys oo barkacayaal ah sanadkan ururka taakulo iyo hay’ada UNHCR ay ugu tala galeen in ay siiyaan lacag ay ganacsiyo yar yar ku abuurtaan .

Gudoomiyiha ururka maxa liga ah ee taakulo Mahdi Cali Cismaan ayaa warbaahinta SBC u sheegay in mashruucan uu yahay qaybtii ugu horaysay barnaamij dakhli abuur ah looguna talagalay dadka barakacayaasha in nolol loogu abuuray waana qaybtii ugu horaysay 25qoys ka dib markii ay qaateen tababar la xiriira qaabka ay ganacsi u samaysan lahaayeen .

Waxaana uu intaa ku daray in bishiiba labo jeer kormeer ku samayn doonan qaabka ganacsigoodu u socdo isla markaan ay siindoonaan waxii talo ah ee ay ku caawin karaan dhanka ganacsiyada ay samaysteen .

Qaar kamid ah dadka lacagta loo qaybshay oo SBC lahadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin lacagta la siiyey isla markaan ay ku abuuran doonan ganacsiyo yar yar oo ay nolol maalmeedka ay ka helaan waxaana ay tilmaameen ay deeqdan lacageed soo gaartay xili ay siwayn ugu baahnayeen dadka barakacayaasha ah ee ku jira xeryaha barkacayaasha ee Garoowe ku yaala .

Mahan markii ugu horaysay ee ururka taakulo deeq lacageed u qaybsho qoysas barkacayaal ah waxaana sanadkii hore sidan oo kale qoysas barkacayaal ah oo gaarayey ilaa 170qoys ugu qaybsheen ururka taakulo oo gacan ka helaya hay’ada UNHCR lacago loogu talagalay in kor u qaadan nolosha dadka soo barakacay ee ku nool magaalada Garoowe.

Daawo Sawiro





Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe