Generation For Peace  oo ah Ururka  Dhalinta Nabadda ee Caalamiga ah ee Fadhigiisu Yahay Wadanka Jordan Xarumana ku leh Dunida Daafaheeda ayaa Xaruntiisa Puntland oo kaashanaya Shirkada isgaarsiinta Golis  waxaa ay soo Qaban qabisay Ciyaaro  ku saabsan isdhexgalka Dhalinyarada Soomaaliyeed una  dhaxeeyey Labada Xaafadood ee Horseed & Hanti Wadaag Garoowe ,waxaana Ciyaarta lagu Qabtay Garoonka  Cusub ee Hirgelintiisa uu lahaa Olympicada Soomaaliyeed kuna  Yaal Dhanka Waqooyi ee Magaalada Garowe,

Waxaa kasoo Qaybgalay  Masuuliyiin kala Duwan oo ay ka Mid yihiin Xubno ka socday Wasaaradda Shaqada ,sh,Dh & Ciyaaraha Puntland, Olympicada Soomaaliyeed , Masuuliyiinta ururka Generation For Peace & Dadweyne kale

Intii aanay Bilaaban Ciyaartan ayaa Waxaa Hadalo kooban u Jeediyey Ciyaartoyda Masuuliyiin uu ka Mid ahaa, Gudoomiyaha ururka Dhalinta Nabadda  ( Generation For Peace ) ee Xafiiska Puntland ,Waxaana uu ku Dheeraaday ujeedada ururka GFP oo uu sheegay in ay Tahay Xoojinta Nabadgelyada & isdhexgalka Dhalinta si loo Helo Bulsho Wacyigashan.

Duraan Axmed Farax  ah Kuxigeenka olympikada Soomaaliyeed  ayaa isna Qaatay waxaana uu Dardaaran u jeediyey Kooxaha ay Ciyaartani Dhexmaraysay ee ahaa Dhalinyarada Waxaana uu ku Booriyey in ay Muujiyaan Qiimaha Nabadgelyada iyo Daris Wanaaga Bulshada.

Ciyaarta oo socotay Mudo Gaaban  ayaa ku Dhamaatay Barbardhac ama Bareejo  ah 2-2  iyadoo waxaana loo Qabtay Gool ku Laadyo ,

Waxaa Guushu Halkaas ku Raacday  ugu Danbayntii Kooxda ku Ciyaaraysay Magaca Xafada Hanti -Wadaag Garowe ,

Masuuliyiinta ururka Generation For Peace  ayaa Bixiyey abaalmarino ay ka Mid yihiin koobka Nabada iyo isdhexgalka Dhalinta loogu Magacdaray , Bilado & Kubado Nooca Cagta lagu Ciyaaro ah,Qabanqanqabada Ciyaaraha Noocaan ah ayaa Waxaa Qayb Libaaxle ka Qaadata Shirkada Golis oo inta Badan Door Muhiima ka Geysata Barnaamijyada Hormarineed ee Bulshada.sida Nabada ,Caafimaadka,Waxbarashada,Daryeelka Dhalaanka & isdhegalka Dadweynaha soomaaliyeed.

Ma ahan Markii ugu Horaysay ee uu ururka Dhalinta Nabadda  uu Ciyaar Noocaan oo kale ah u Qabto Dhalinta yaryar eek u Nool Magaalooyinka Waweyn ee Puntland .

Daawo Sawirada




Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe