Ururka PMWDO ayaa baaqyo ku aadan sidii colaadaha ka taagan gobolka Mudug lagu joojin lahaa ka sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ururkan oo ka shaqeeya nabada,caafimaadka,waxbarashada ee xaruntiisu tahay magaalada Gaalkacyo aya dadaalo ka wada magaalada Gaalkacyo taasoo ay ku doonayaan in lagu xaliyo xaaladihii dhawaan kadhacay magaalada Gaalkacyo waxayna dad isugu keeneen goobo ka;la duwan oo ku yaala magaaladaasi,

ayagoo u soo bandhigay dadka muhiimada ay nabadu u leedahay bulshada iyo sidii loo sameyn lahaa isku xirnaansho bulshada ah oo ay kawada tashadaan nabadooda iyo hormarkooda.

Masuuliyiinta ka tirsan ururkani ayaa tagay goobihii ay ka dheceen dagaaladu ayagoo masuuliyiinta labada dhiunac ka codsaday in lakala qaado ciidamada goobaha ay isku horfadhiyaan si dib loogu soo celiyo nabadgalyadii horey loogu aqoon jiray magaalada Gaalkacyo.

Ururkani ayaa sidoo kale deeqo caafimaad gaarsiiyay dadka goobaha ay u barakaceen  ayadoo goobahaas laga dareemayo xanuuno soo food saaray dadkaasi.

Ma ahan markii ugu horaysay ee howlo noocan oo kala ah uu ka qabto magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka mudug waxana sheegeen iney sii wadi doonaan howlaha ay u hayaan shacabka ku dhaqan gobolka MUDUG

Liibaan C/lahi farax (qaran)
SBC International Gaalkacyo
Libaanqaran10@hotmail.com