Wafdigaan ayaa waxaa horkacayay U qaabilsanaha Qaramada midoobay Maamulada Galmudug iyo Puntland, ninka lagu magacaabo kombos Vaiders, Ayadoona kulan uu kula qaatay Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaaladda Gaalkacyo.

Kulankaan dhex maray labada dhinac ayaa Saxaafada banaan joog ka ahayd, Waxaana looga hadlayay, Arimo Siyaasadeed oo u dhaxeeya Galmudug iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, Sidoo kale Kombos Vaiders iyo Madaxweyne Caalin Ayaa Socdaal ku maray qaar ka mid ah Kaamamka Ku yaala Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Galmudug, halkaasi oo ay ku jiraan dad Barakacayaal ah.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin ayaa Saxaafada kula hadlay Gudaha Kaamka Hiiraan ee Duuleedka Bari ka xiga Magaaladda Gaalkacyo, Asagoona sheegay in Cadaalad daro lagu sameeyay Dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan Deegaanada Galmudug, Waxa uuna baaq u diray Dawlada KMG Soomaaliya, Hay’adaha Qaramada midoobay iyo Wadamada Deeqda bixiya in koolmo dag dag ah ay la soo gaaraan Dadka ku soo Barakacay Deegaanada Galmudug, kuwaasi oo ka yimid Koonfurta Dalka Soomaaliya iyo kuwo dib uga soo laabtay Deegaanada Maamulka Puntland.

U qaabilsanaha Qaramada Midoobay Maamulada Galmudug iyo Puntland Vaiders Ayaa isna halkaasi Saxaafada kula hadlay waxa uuna Sheegay in aad uu ugu Faraxsan yahay Booqashada uu ku yimid Galmudug, Waxa uuna Sidoo kale Carabka ku dhuftay in wax laga qaban doono Codsiga Madaxweynaha Galmudug uu soo gudbiyay, Asagoona hadalkiisa raaciyay, Hay’adaha Samafalka ee UNka in Xafiisyo ay ka furan doonaan Deegaanada Galmudug, Waxa uuna intaa ku daray, Amaan uu u Jeedinayo Wadashaqaynta Wanaagasn ee ka dhaxaysa Galmudug iyo Qaramada Midoobay.

Dhan walba hajirtee Imaanshaha Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xili wali lagu guda jiro Bishii ay Curatay Galmudug, Ayadoona Madaxweynaha Galmudug Munaasabadii 14ka AUGUST baaq uu ugu diray Qaramada Midoobay in Ergo ay u soo diraan Deegaanada Galmudug Kuwaasi oo Xaalada dhabta ah ogaada.

DAAWO SAWIRADA

liibaan C/laahi Faarax Qaran
SBC International Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com