Wafti uu hogaaminaayo u Qaabilsanah Qaramada Midoobay Soomaaliya ee arimaha bin aadan nimada oo saakay soo gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Mark Bowden  iyo wafdi uu hogaaminaayay ayaa  waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxda Gobalka Bari,Wasaarada Amniga ,Duqa Degmada Boosaaso,iyo Ciidamada Nabad sugita .waxaana soo dhaweyn ka dib loo soo galbiyay Xarunta Gobalka Bari,

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire oo ka mid ahaa wasiiradii soo dhaweeyay wafdiga ayaa ugu horaytii ku soo dhaweeyay Gobalka Bari gaar ahaan Xaruntiisa Boosaaso Mark Powden iyo wadigiisa, waxana uu sheegay inaysan ahayn markii koowaad hase ahaate ay aad ugu faraxsan yihiin inay ku soo dhaweeyaan taasina ay kalifayso hawsha wayn ee uu u hayo Shacabka soomaaliyeed .

Intaa kadib ayaa waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyah Gobalka Bari C/Samad Maxamed Galan oo isagu sheegay in ka maamul ahaan uu si wanaagsan ugu soo dhaweenaayo Mark Bowden    iyo waftiga uu hogaaminaayoh ,

Gudoomiyah Gobalka Bari ayaa waxaa uu sheegay in uu Amni yahay Gobalku Dhamaantiis haday ahaan lahayd  Degmooyinka iyo Boosaaso oo ah Xarunta.waxaana uu ka dhawaajiyay in taas isagoo ka duulaayah ay tahay in dhamaan la soo kormeero.

Waxaa kaloo uu  Gudoomiyah Gobalka Bari ka codsaday Mark Bowden  in liiska Dadka loo Gargaarayo lagu Daro Dadka degan Deegaanka.taasina ay tahay lagamamaarmaan

Ugu dabaytii ayaa waxaa halkaa ka hadlay Mark Bowden oo isagu sheegay in safarka uu ku yimid Puntland uu ka soo Bilaamay Caasimada Puntland ee Garoowe uuna si aad ah ugu faraxsan yahay waxaa kaloo uu sheegay in wax badan ay ka qabteen balan qaadyo hore ay sameeyen hadana ay ku dadaali doonan inay wax ka qabtaan

Sidoo kale Mark Bowden  ayaa sheegay in arimah ugu adag ay ka taagan yihiin sidii dhul lagu heli lahaa taasina ay tahay aqabad wayn kana taagan Muqdisho iyo Boosaasoba

Mark Bowden  iyo waftiga  ayaa lagu wadaa inay indho indheeyaan meelaha ay ku noolyihiin Dadka Barakacayaasha ah inta ay ku sugan yihiin Boosaaso .

Sawiro






Axmed Nuune 
SBC International Boosaaso