Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta DFKMG ayaa lagu xaqiijiyey dilka Fazul Cabdalla, waxaana warsaxaafadeedkan oo SBC la soo gaarsiiyey uu qornaa sidan

(Muqdisho, 12 Juun, 2011) – Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay Arbacadii tagtay ee taariikhdu ahayd 8-da June 2011, xilli habeen ah dileen Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii ururka Argagixisada ah ee Alqaacidda u qaabilsanaa Bariga Afrika.

Dilka Fazul Cabdalla waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgoye, ka dib markii ay ciidammada dowladdu bar- koontorool ku joojiyeen gaari 4WD ah oo ay saarnaayeen labo nin oo midkood ajnabi ahaa.

Markii Ciidammada dowladdu joojiyeen waxay nimankii isku dayeen in ay dagaallamaan, waxaase u awood sheegtay ciidamada qalabka sida oo ku guuleystay in ay dilaan labada nin. Ka dib markii laamaha ku shaqada leh ay baaritaan ku sameeyeen ninkan ajnabiga ah, lagana qaaday dhecaanka DNA ee lagu ogaado haybta qofka, waxaa la xaqiijiyay in uu yahay Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii Alqaacidda ee Bariga Afrika.

Documentiyada laga helay Fazul Cabdalla waxay muujinayaan in uu 19-kii March ee sanadkan uu ka soo safray dalka South Afrika uuna maalinkii xigay ee 20-kii March dal-kugal rasmi ah ku yimid magaalada Darasalaam ee xarunta Tanzanina, isagoo ka dibna safar dhulka ama badda ah ku soo galay Soomaaliya.

Fazul Cabdalla waxa uu adeegsanayay Baasaboor South Afrikaan ah. Waxaana ka muuqatay dariiqii uu uu soo maray.

Ninkan waxaa sidoo kale laga helay Sawirro iyo Documentiyo ay ka mid yihiin warqad uu ku saxiixan yahay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hor-joogayaasha Alshabaab, taas oo la qoray 03/05/2011, maalin ka dib dilkii Osama Bin Laden.

Ciidammada Sooma-jeestayaasha ah ee dilay ninkan argagixisada ah, waxay tusaale cad u yihiin feejignaanta iyo kartida ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ciribtirka argagixisada caalamiga ah ee gabbaadka ka dhiganaya dalkeenna, dhibaatada joogtada ahna ku haya dalka, dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka.

Dowladda Soomaaliya waxay abaal marin u qalanta howsha ay Qaranka u qabteen siin doontaa askartii dilay dhagar qabe Fazul Cabdalla oo khatar ku ahaa Caalamka oo dhan.

Dhamaad.