|
Jaamacada Caalamiga ah ee UNISEL
Bishaaro Bishaaro
Bishaaro
Dadweynow idinna
Bil Khayr inoo dhaha mar kale iyo mar kale.
|
|
Waxbarashada
lagama gaboobo, lagumana helo si fudud ee ha la doono
|
|
Waa
Fursad qaaliya, waa fursad dahabiya, waa horumar hoygaaga laguugu
keenay
Ma jeceshay
inaad naftaada waxbarto si aad wax isku tarto, si aad dalkaaga iyo
dadkaaga wax ugu noqoto.
Ma doonaysaa
inaad waxbarato, mase rabtaa inaad noqoto aqoonyahan dhinacaad doonto,
wax ka barta oo beri u aaya, isla markaana dhisa mustaqbalkiisa.
|
|
Ardey
tiro badan oo ka qalin jabinaysa Jaamacada UNISEL
|
|
Hadaba
hadii ay Haa tahay jawaabtadu waaba tahaye waxaa laguu hayaa fursad
waxbarasho tii ugu sareysay oo aad ku hanan laheyd waxbarasho tayo
sare leh.
Jaamacada Caanka
ah ee UNISEl oo ku taal wadanka Maleysiya waxay dhawaan xafiisyo
ka furatay deegaanada Puntland, waxaana si fudud ku heli kartaa
warbixino iyo macluumad fara badan oo ku saabsan waxbarashada Jaamacada
UNISEL.
Adigoo kala
xulanaya maadada aad doonto ayaad waxaa Jaamacada UNISEL lagu bartaa
Medicine, Medicine Laboratory, Engineering, Civil Engineering, Mechanical
Engineering, Accounting, Computer Science, Information Technology,
Mobile Technology, Business Management, Architecture, Faculty Education,
|
|
Qiimaha
waxbarashada waa dareema kii aan waxbaran ee dadaal oo gaar UNISEL
|
|
Jaamacada
Caalamiga ah ee UNISEL waxaad ka helaysaa kuliyadaasi waxbarasho
adiga oo dooranaya mida aad doonto, waana fursad qaaliya oo ay adag
tahay in la wada helo ee gaar.
|
|
UNISEL
waa hoyga Tacliinta waxaana ka aflaxay aqoonyahanno fara badan
|
|
Jaamacada
UNISEL waxaad ka helaysaa adigoo waxbaranaya in goobta aad ku hesho
Hotel aad jiifato, cubtadii, goob caafimaad, goob lagu ciyaaro sida
jimicsiga, goob lagu nasto sida waaskooyinka dabaasha, goob laga
dukaameysto (Super Market) iyo goobo kale oo ku wanaagan in wax
lagu barto laguna noolaado inta waxbarshada aad ku jirto.
Goobaha waxbarashada
Jaamacada waa kuwa si hagaagsan loo qalabeeyey.
|
|
Ardey
kasta, Miis kasta,kursi kasta iyo dhamaan qalabkiisa
|
|
Su'aashuse
waxay tahay sidee lagu heli karaa fursadahan
Waa In ardeygu
haystaa shahaado Dugsi sare ama wax u dhigma.
Waa in Ardeygu
iska bixin karaa kharshka waxbarashada
Wa Ardeygu haystaa
document dhameystiran.
Waa in uu leeyahay
damiin lagalasoo xiriiro karo hadii loo baahdo.
|
|
Aqoon
la'aani waa iftiin la'aanne ka faa'ideyso fursadan qaaliga ah
|
|
Dhamaan sharuuradahaas
iyo qaabka lacag bixinta, qiimaha waxbarashada iyo macluumad kaleba
waxaad kala xriiri kartaa wakiilka Jaamacada ama Xafiiska oo ku
yaal wadada Airprtiga magaalada Boosaaso ama ka soo horjeeda xarunta
WAWA.
Hadii kale si
fudud u wac telefoonada #2525-704232,#2525- 729441, # 2525-721165,#
2525-736349, ama Land Line-ka xafiiska# 2525-824578.
Halka ugu dambeysa
waa fursad qaaliyee ka faa'ideysta dadweynow, maalku waa dhamadaaye,
waxbarashaduse ma dhamaatee aynu ka wada faa'ideysano waxnarashada
Jaamacada UNISEL Maleysiya ee inoogu timid dalkeena.
Sidoo kale Jaamacada
waxay xafiisyo ku leedahay magaalooyinka Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo,
iyadoo Ardey fara badan oo ka baxdey deegaanada Puntland ay haatan
wax ka baranayaan Jaamacada UNISEL.
|
|
Jaamacada
UNISEL waa Jaamacad Caalami ah oo ay ka soo baxeen kumanaan kun
oo qof
|