Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha ee Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in hay’adda Qaxootiga adduunka Ee UNHCR ay balan qaaday dhismaha saddex xarun oo Ay ku nastaan dadka Qaxootiga ah iyo kuwa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman.

Wasiirka oo Ka hadlayay Kulan Afur ah oo ay ka qeybgaleen Qaarkamid ah dadka barakacayaasha Ee Garowe iyo Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa hadalkani shaaciyay.

Wuxuu u mahad celiyay shacabka iyo dowladda oo uu tilmaamay inay dhexda u xirteen sii loosoo dhaweyn lahaa Dadka kasoo cararay dalka Yaman ee isigu jira Soomaalida iyo ajaanib, wuxuna sheegay in dad ka badan 20 kun ay soo gaareen Puntland,  kuwaasoo si nabad ah Loogu diray Goboladooddii.

Magaaladda Boosaso ee xarunta Gobolka Bari iyo Dagmadda Qardho Ee Gobolka Kar-kaar Ayaa waxaa ku yaalla Labo Xarumood Oo Ay Ku Nastaan Dadka Qaxootiga ah ee ka soo barakacaya Colaadaha dalka yemen.

Waxaanna mudooyinkii Udanbeeyay Boosaso soo gaarayay Qaxooti Horleh Oo Ka soo Qaxaya Dagaaladda Dalka Yemen.

SBC, News.