Hayada  UNHCR ayaa maanta  waxaa ay gaadiid ku wareejisay  qaar kamid ah wasaarada Puntland
Gaadiid oo ka koobanaa afar gaari waxaa ay  ahaayen nooca loo yaqaano landcruser  waxana hayadu ugu talagashay wasaarada ah amniga ,arimaha gudaha ,cadaalada iyo wasaarada qorshaynta .

Munaasabada gaadiidka lagu wareejiyey oo ka dhacday wasaarada qorshaynta waxaa ka soo qayb galay madaxda UNHCR Puntland iyo qaar kamid ah madaxda wasaaradaha, 
 
Wasiirka wasaarada cadaalada Puntland C/khaliif Xaaji Xasan Ajaayo oo hadal kooban jeediyey ayaa sheegay in uga mahad celinayaa UNHCR gaadiidka ay ku wareejiyeen isla markaana ay ku qaban doonaan howlihii loogu talagalay UNHCRna Puntland ay ka wado howlo balaaran oo ay ka midyihiin in ay caawiyaan barkacayaasha iyo qoxootiga.

Bruno geddo oo ah madax UNCR Puntland  ayaa  sheegay  in afar gaari ku wareejinayaan wasaaradaha qorshaynta ,cadaalada ,amniga iyo arimaha gudaha Puntland waxaana uu intaa ku daray in ay Puntland howlo badan ka qabtaan iyagoo caawiya barkacayaasha ,qaxootiga waxaana isla markaana UNHC ay howlokale oo dhanka hor umarka ah samaysay Puntland sida 60wariye oo ay tababareen iyo xarumo police uu u sheegay in ka dhisayaan boosaaso iyo burtinle iyo tababaro loo sameeyey shaqaalaha dowlada.

Markii ugu horaysay oo Hayada UNHCR ay wasaaradaha Puntland ku wareejiso gaadiid  ay ugu talageen ay fududeeyaan howlaha wasaaradahaaso.

SAWIRO



 Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe