Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hayada UN habitat oo socday mudo labo bari ah ayna ka qayb galeen golaha degaanka degmada garoowe ayaa looga arinsanayey  sidii magacyo iyo lambaro loogu samayn lahaa wadooyinka waawayn Magaalada garoowe caasimada Puntland .

Gudoomiye ku xigeenka degmada Garoowe  Maxamed Xamari oo xiritaanka shirka  hadal ka jeediyey  ayaa sheegay in horay loo sameyey lambarada  wadooyinka  iyo magacyadooda isla markaana kal fadhigii hore ee golaha deeganka looga hadlay dhaqan galinta  magacyada wadooyinka .

Maxamed cali nuur jubba Agaasimaha waaxda mashaariicda ee wasaarada Arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Puntland  isna madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in magacyada iyo lambarada wadooyinka loo samaynayo  wadooyinka  Magaalada uu qayb ka yahay  barnaamijka JPLG ee lagu hormariyo degmooyinka Puntland .

Ha’yadda UN- Habitat ayaa waday wayadaan danbe qorshaal lagu hagaajinayo bilicda magaalooyinka puntland iyadoo uu qayb ka yahay mashruucan kuwa ay ka wado Puntland, waxaana xusid mudan in hadii uu hirgalo wax wayn ka badali doono hormarinta Magalooyinka dhanka quruxda ama bilicda.

SAWIRO
6 7 8 9