Guddiga doorashada Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta dib loo doortay, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii Kenya.

Kenyatta ayaa helay 54% codadkii doorashada, halka ninka ay ishayeen ee Raila Odinga uu helay 44%.

Kenyatta ayaa khubaddii uu ku aqbalay guusha, wuxuu mucaaradka ku booriyay inay midnimada ilaaliyaan, isagoo sheegay in mucaaradka iyo taageerayaashooduba aysan ahayn cadow, balse ay dhamaantood yihiin dadka ka wada tirsan jamhuuriyad mid ah.

Hasseyeeshee mucaaradka, gaar ahaan Isbahaysiga NASA ee uu madaxda u yahay Odinga ayaa hadal ay soo saareen inta aan natiijada lagu dhawaaqay waxay sheegeen inay diidan yihiin hannaanka ay doorashadu u dhacday.

Uhuru Kenyatta, addresses the crowd after he was declared the winner in the presidentail race at the Centre in Bomas, Nairobi, Kenya, Friday, Aug.11, 2017. (AP Photo/ Sayyid Abdul Azim)

Doorashadu siday u dhacdo waxaa ammaanay xubnaha caalamiga ah ee kormeerayay doorashada.

Meello ka tirsan Kenya waxaa markii lagu dhawaaqay natiijada ka dhacay rabshado, iyagoo dhinaca kalena taageerayaasha Kenyatta ay sameeyeen dabbaaldegyo ay ku muujinayaan guusha madaxweyne Kenyatta.

Mr Kenyatta, oo ka soo jeeda qowmiyadda Kikuyu, iyo mucaaradkisii hore William Ruto oo ka soo jeeda qowmiyadda Kalenjin ayaa lagu eedeeyay inay huriyeen rabshado u dhexeeyay labada qowmiyadood.Dacwadahan waxay la xiriiraan rabshadihii dhacay doorashada kadib 2007-dii kuwaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, boqolaal kun oo qofna ay guryahooda ka carareen. Waxaa dacwad ka dhan ah loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee ICC.