Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shalay baajiyay booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa wadanka Nigeria oo uu maanta oga qeyb gali lahaa Xaflada Caleema-saarka Madaxweyne Muhammadu Buhari,

Dadka Kenyanka ah, ayaa Baraha Bulshada ku eedeyay Madaxweynaha iyo Wafdigaas iney ku tumanaayo lacagta dowlada, Waxaana taas badalkeeda uu Mr Kenyatta u diray Ku-xigeenkiisa William Ruto iyo wafdi yar oo uu hogaaminaayo iney wakiil oga noqdaan Xaflada caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Nigeria oo maanta ka dhaceyso Magaalada Abuja ee xarunta wadankaas.

Joojinta Safarka Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay iney ka dambeysay kadib markii warbaahintu ay si qarsoodi ah ku heshay liiska 84 xubnood ee ka tirsan dowladda, kana mid noqon lahaa Safarka Madaxweynaha iyo lacagaha gunnooyinka ah ee maalintii uu qaadan lahaa Sarkaal kasto inta ay ku jiraan safarkaas, oo la sheegay iney gaareysay 40,000 oo Kenya Shilling ah oo u dhiganto $ 400, taasoo ay caro xoogan ka muujiyeen dad-weynuhu.

Safarkaan, ayaa noqonaayo kii labaad ee Madaxweynaha Kenya uu baajiyo daqiiqadihii ugu dambeyay. Bishii la soo dhaafay, ayey aheyd markii diyaarad uu saarnaa madaxweyne Kenyatta oo safar uu ku tagi lahaa dalka Maraykanka oo uu oga qeyb gali lahaa Shir ganacsi- dib loogu soo celiyay Kenya xaalado aan la garaneeyn kadib markii Diyaaradaas oo mareysay hawada Itoobiya loo sheegay iney korodheen khataraha ka imaan karo hawlaha Military ee ka socdo Hawada wadanka Yemen.

Maanta Oo Jimca Ah Ayaa wacaa Dalka Nigeria Ka Dhacday Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Cusub Ee Dalkaasi Muhammadu Buhari Iyadoonna Uu Soo Kale Ka Qeybgalay Madaxweynaha somaliya Xasan Sheikh maxamuud.

SBC, News