Dawlada Ugandha ayaa qiratey dilka sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadeeda ku hawlgalaya magaca AMISOM ee hoos taga Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu diley dagaaladii cuslaa ee dhexmatey ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ka socda wadamada Burundi & Ugandha & xoogaga Shabaabka.

Sarkaalkan oo laga gaabsadey in magaciisa la shaaciyo ilaaiyo haatan ayaa la xaqiijiyey in isaga iyo shan kale oo kamid ah ciidamada Ugandha in lagu diley dagaaladii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo la xusey in sarkaalkaasi uu ka mid ahaa horin ciidamo ah lagu dhex diley Taangi lagu gubay magaalada Muqdisho.

Shaac ka qaadida magaca sarkaalkan oo ah kii ugu darajada sareeyey ee ciidamada Ugandha lagaga dilo dagaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa inay dhacdo maanta in qoyskiisa lagu wargaliyo dhimashada sarkaalkan sida uu qorey maanta wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa magaalada Kampala.

Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM oo ka socda dalka Ugandha Maj. Gen. Nathan Mugisha, ayaa xaqiijiyey dhimashada sarkaalkan oo la sheegay in darajadiisu tahay Gaashaanle sare, isagoo la xaqiijiyey in lagu diley isagoo booqanayey goobaha ay qabsadeen ciidamada Ugandha.

Keyse Caamir
SBC News Desk