Maamulayaasha Uganda ayaa sii daayey laba hogaamiye oo ka tirsan mucaaradka oo doonaya inay u tartamaan madaxweynenimada.

Ra’iisul wasaarihii hore Amama Mbabazi iyo Kizza Besigye ayaa siyaabo gooni gooni ah loogu xiray shalay magaalada Kampala, ayadoo lagu eedeeyey inay kulammo abaabulayeen, ayagoo aan ruqsad ka hayn booliska.

Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni ayaa muddo 30 sana ku dhaw hayo xilka madaxtinimo, laakiin Mr Mbabazi ayaa tilmaamay inuu doonaayo inuu Musaveni bedelo.

Mbabazi waxaa laga eryay dawladda sanadkii la soo dhaafay taasoo soo afjartay xariirkii uu mudda 20 sano la lahaa Musaveni.

Xigasho: BBC.