Udiyaar garowga Ciidul Fidriga oo si dar darleh uga socda Puntland

Waxaa si dar dar leh ku socda u diyaar garowga bulshada Soomaaliyeed ay ugu jiraan munaasabada barakeysan ee Ciidul fidri oo maalmo kooban ay inaga xigaan maadaama ay dhamaanrabto bisha barakeysan ee Ramadaan.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka aya siweyn loogaga dareemayaa dhaq dhaqaaqa u diyaar garowga Ciidka iyadoo si gaar ah looga dareemayo goobaha suuqyada ah iyo goobaha kale ee carwooyinka dadku ay ka adeegtaan.

Wariye yaasha SBC ee Gobolada ayaa soo sheegaya in u diyaar garowgan uu marayo heerkii ugu dambeeyay, waxayna sheegeen in xilyada kala duwan sida maalintii iyo habeenkiiba ay soconayaan ganacsiga qeybihiisa kala duwan iyadoona aad wadooyinka ku arki karto waalidiin ubadkooda kacanta ku heysa oo suuqyada ku wajahan si ay ugu soo iibiyaan dhar iyo agabkii kale ee ay ku dabaal degi lahaayeen maalinta ciidka.

Magaalada Baran ee Xarunta gobolka Sanaag ayaa wariyaha ugaga soo warama SBC ee Cawil nadiif suldaan uu soo sheegayaa in u diyaar garowga ciidul fidriga uu yahay mid sareeya islamarkaana ay jiraan ganacsiyo kala duwan oo cusub kuwaasi oo u saamaxaya dadka deegaanka in ay iibsadaan kuna labistaan.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Caasimada Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Qardho ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa diyaargarowga dabaaldega ciida .

Sikastaba ha ahaatee Umada Soomaaliyeed iyo dhamaan umada Islaamka ee Aduunka ku dhaqan maalinta Ciida waxa ay u tahay maalin aad loo dabaal dego islamarkaana ay waajibtahay in lagu labisto dhar qurxoon loona soo banaan baxo.

 

Daalacatey :508

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print