Waxaa  si dar darle gudaha Magaalada Boosaaso looga dareemayaa u diyaar garoowga maalinta Iidul fidriga  oo ah maalin qaaliya oo muslimiinta oo dhami ay u diyaar garoobaan.

Hadaba mar ay waraabinta SBC International booqatay Suuqa Magaalada Boosaaso ayaa waxaan sida uu suuqu u kala socdo waxaa uga war bixiyay ganacsade kamid ah ganacsatada suuqa wayn ee magaalada Boosaaso  oo lagu magacaabo  Cabdi Nuur Maxamed jaamac,

C/Nuur waxana uu sbc u sheegay in ay maanta dareemayaan kala socod dhanka alaabaha, gar ahaan dharka iyo kabaha oo ah kuwa ugu badan ee la gato xiliga ciida,  isgoo sheegay in ay qaali yihii sababtuna ay tahay doonidii siday alaabta ciida oo ku dagtay bada u dhexeeyasah Boosaaso iyo Cumaan  lakin ay hada uu suuqu yahay mid iska roon  iyadoo sanad kii hore uu xooga ka liito madaama ay sanadkan ka  xagaa bexeen dadka intiisa badan

Sidoo kale waxaa warbaahinta SBC International uga warbixiyay sida uu suuqa kabaha ee magaalada Boosaaso looga dareemayo maalinta qaaliga ah ee iidul fidriga  Ismaaciil Cali oo ka mid ah ganac satada ka ganacsata  suuqa kabaha ee maalada boosaaso, waxaanu  sheegay in ay si wanaagsan u dareemayaan  u diyaar garoowga maalinta iida  wax uuna sheegay in maalmihi la soo dhaafay uu suuqu ahaa mid dagen  waloow uu mantay yahay mid cakiran oo la kala la yahay meel la kala maro  taasina uu ku tilmaamay in mantay uu suuqu yahay mid wanaagsan

Ugu dan bayntii warbaahinta SBC wax ay wax ka waydiisay  mid ka mid ah hooyoyinka gada qalabka caruurta ay ku dheesho  gar ahaan maalmaha iida   oo lagu magacaabo Xamdi Cali Siciid waxayna u sheegtay sbc in sanadkan ay keenen qalab aad u wanaagsan kana casrisan kii sanadkii hore iyadoo tilmaantay qalbka ay hayso in ay ka mid yihiin fardo aad u qurxon libaax ciyaya  baabuur aad u cajiib ah  boskoolado  dhamaan qalbkaa ayaa caruurtu aad u xiisaysaa maalinta iida

Sikastaba ha ahaatee  u diyaar garoowga maalinta iidul fidriga ayaa sidoo kale waxaa laga dareemayaa dhamaan deegaanada Maamulka Puntland maadaama ay mudo kooban ka harsantahay maalintaasi.

Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso