Magaalada Baaladweyne xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka soconayay qaban qaabada goob balaaran oo lagu qabanayo xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay taas oo gundhig u ah munaasabadda 26-june.

Maalinta 26-ka June oo ah maalintii ugu horeysay oo calan soomaaliyeed uu ka babado gobolada waqooyi ee dalka ayaa laga dareemayaa u diyaar garowga xuskaasi magaalada baladweyne, iyadoo shacab iyo maamulka si weyn laisugu diyariyay.

Masuuliyiinta gobolka oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qaab wanaagsan oo la isku soo duba riday ay u dhici doonto munsaabada caawa lafilayo in bartamaha habeen nimo lagu taago calanka buluga ah  gudaha Baladweyne.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu diyaariyay wariye  Cisaan Aadna Careys