Istanbul:-Ra’iisal wasaaraha dalka turkiga Rajab Dayib Ardugan oo booqasho ku maraya dalka koonfur Africa ayaa sheegay inIsrael ay khatar ku tahay degnaanshaha bariga dhexe sababo la xiriira heesashadeeda hub nuclear ah.

Sidoo kale Ardugan ayaa markale ku celiyey cambaareen uu u jeediyey weerarkiiIsraelay ku qaaday kolonyadii gargaarka bani’aadimnimo ee lagu jebin lahaa go’doonka saaran marinkaGazatan iyo bishii May 2010.

Ardugan waxa uu carabaabay inIsraelay adeegsatay awood xad dhaaf ah islamarkaana ay adeegsatay bombooyin foosfoor ah xilligii uu socday weerarkiiGaza27 December 2008 ilamaa 18 January 2009.

Turkiga ayaa dalkoda ka eryay safiirkii ka joogay wadanka Israaiil isla markaana waxay joojiyeen dhamaan wixii xidhiidh iyo iskaashi ahaa ee dhinaca ciidamada

Israaiil  ayaa diidayy in ay cudur daar ka bixiso hawl galkii milatari ee ay ciidamadooda gaarka ahi , ay  bishii May ee kal hore ku qaadeen markab sahay gargaar ah u siday  dhulka  Qassa, kaasi oo sababay dhimashada   sagaal ruux  oo Turki ah oo markabka  gar-gaarka siday la socday.

Warbixin ayaa lagu  sheegay in Israaiiliyiintu inay xoog xad dhaaf ah ay u adeegsadeen hawlgalkii  ay ku qaadeen markab sitay calanka Turkiga  oo lagu  magacaabo marmaro , sidoo kale warbixintu waxay sheegtay  xayiraad saaran dhulka Qassa , inay tahay  mid  sharci ah .

Wasiirka arimaha  dibada  ee Turkiga   Mr. Axmed Daa’uud Ooglo,  ayaa amar ku bixiyay safiirka Israaiil in uu  dalkooda ka baxo , sidoo kalena diblomaasiyiinta  sarsare ee dalkooda jooga inay iskaga baxaan wadanka Turkiga , kuwa turkiguna ay kasoo baxaan Israaiil.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring