Ciidamada Dowlada Turkiga ee ku sugan xuduuda ay Dowlada wadankaasi la wadaagto wadanka Ciraaq ayaa sheegay in ay dileen 12 ka tirsan dagaalyanahada Kurdiga oo ay sheegeen in ay weerar kusoo qaadeen xaeun ay ku lahaayeen xadka labada dal.

Ciidamadu waxaa ay sheegeen dhinacooda in uu kaga dhintay weerarka ay Kooxahaasi kusoo qaadeen Hal Askari,kaasi oo uu qarax kula kacay goobta uu dagaalku ka socday.

Weerarka oo ka dhacay Gobolka Seernaak oo ku yaal Koonfur Bari dalkaasi ayaa waxaa intii uu dagaalku socday,waxaa ka qayb qaatay dagaalka diyaaradaha dagaalka ee Dowlada Turkiga.

Goobta weerarku uu ka dhacay ayaa ah mid xadaysa wadamada Ciraaq,Iiraan iyo Turkiga,waxaana inta badan lagu yiqiin in ay ahayd goob ay kooxaha gooni u goosadka kurdiga ah ay weeraro kasoo qaadaan.

Dowlada Turkiga waxaa ay sheegtay in ay kordhindoonta Howl galada ay kula dagaalamayso Kooxaha Kurdiga ah,iyadoona ay aad u kordheen weerarada ay kooxdaasi ku qaadayso Ciidamada Dowlada iyo weliba goobaha muhiimka ah ee ku yaala wadankaasi Turkiga.

Dagaalka u dhexeeya Dowlada Turkiga iyo kooxaha gooni u goosadka Kurdiga ayaa waxaa ay soo taxnaayeen Mudo 27 sano ah,mana jirto ilaa iyo hada xal muuqda oo laga gaaray joojinta colaadaasi.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.