Wasiirka arimaha dibada Turkiga Da ud Oglo ayaa sheegay in aanu dalkiisa marnaba ogolaan doonin fara galin shisheeye oo lagu sameeyo Syria,isagoona dhinaca kale dalbay in xal gudaha ah loo raadiyo dalkaasi.  

Da ud Oglo waxaa uu sheegay in Syria iyo Turkiga ay wadaagaan waxyaabo badan,iyadoona uu sheegay in ay shacabka labada dal ay yihiin kuwo isku xiran oo aan kala maarmin.

Uma ogolin ayuu yiri Oglo in shacabka Syria ay dhibaato soo gaarto,waxaana uu sheegay in ay ka xunyihiin xaalada haatan ka taagan dalkaasi ayna dalbayaan in uu xalku ka yimaado gudaha Syria.

Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa gaaray Dimishiq wafdi uu hogaaminayo madaxa Mukhaabaraadka Turkiga,ahna ergayga gaarka ah ee uu Raysal Wasaare Rajab Dayid Ordogan u magaacabay dalkaasi,waxaana uu wadahal la qaatay Madaxweyne Bashaar Al asad,iyadoona uu ka dalbay in uu sameeyo xal lagu yareen karo dhibaatada xiligan dalkaasi ka jirta.  

Urur ka shaqeeya Xuquuqda aadanaha oo fadhigiisu yahay Syria ayaa sheegay in in kabadan 400 oo qof ay ku dhinteen banaabaxyadii ugu dambeeyay ee dalkaasi ka dhacay.

 Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.