Tel Aviv:- Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Turkiga iyo Israel ay u socdaan wadahadalo qarsoodi ah si xal loogu helo khilaafka dublumaasiyadeed ee u dhexeeya labada dhinac tan iyo markii ay ciidanka badda Israel ay ka hor tageen dooni macaawino oo ka timid Turkiga oo ku sii jeeday marinka Gaza halkaasi oo lagu laayey 9 qof oo Turkish ah oo kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Wargeysyada ka soo baxa Israel oo qoray warbixinta ayaa sheegay in dowladda mareykanka ay taageerayso wadahadalada u bilowday Turkiga iyo Israel.

Israel ayaa sheegtay in ra’iisal wasaare Binyamiin Nitanyahu uu xiriir qarsoodi ah la sameeyey ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ninka lagu magcaabo Fredoon.

Wadahadaladan ayaa ku soo beegmaya ka hor inta aysan dooni kale oo macaawino u wada Marinka Gaza aysan ka mbabixin dalka Turkiga si go’doonka looga qaado dadka ku nool marinka Gaza.

Israel ayaa marsii horeysay ka codsatay xukuumadda Turkiga in ay joojiso in doonidaas ay u soo dhaqaaqdo dhanka Israel.

Waxaa xusid mudan in doonidii ciidamada Yuhuuda ku weerareen badda ay kala dhex dhigtay khilaaf siyaasadeed oo xoogan Turkiga iyo Israel, ilaa uu ka yiraahdo madaxweynaha Turkiga in xiriirka Yuhuuda iyo turkiga uusan ahaan doonin sidii uu markii hore uu ahaa.

Mas’uuliyiin ka kala socda Turkiga iyo Israel ayaa yeeshay kulamo isdaba joog ah si loo hagaajiyo xiriirka labada dhinac laakiin wax natiijo ah kama soo bixin.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring