Tunisia:- Wasiirka arrimaha gudaha dalka Tunis ninka lagu magacaabo Cali Al-cariidi ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay suurtagal tahay in ay adeegsadaan xabado hadii la soo weeraro goobaha muhiimka ah sida baraha koontaroolada booliska.

Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay ayaa yiri “ qofka aaminsan in aysan suurtagal  ahayn in haddii xadgudub loo geysto goobaha muhiimka ah in aan xabada lugu ridi doonin ha ogaado in xabad loo adeegsan doono sida qaanuunka uu dhigayo”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xeerka xaaladda deg dega uu weli ka shaqeenayo dalka Tunisia tan iyo intii xukunka laga riday madaxweynihii hore dalka Tunisia Zeynal Caabidiin Bin Cali 14 janaayo 2011.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya toddobaad kadib markii kooxo lagu tilmaamay in ay ka tirsan yihiin haraagii nidaamkii hore ay gubeen xarumo boolis oo ku yaal deegaanka lagu magacaabo Jandawiya ee woqooyi galabeed dalka Tunisia.

UStaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring.