Kooxda Tottenham ayaa god ku sii ridey riyadii kooxda ay isku xaafada ka dhisan yihiin ee ay sida ugu xifaaltamaan kubada cagta ee Arsenal ka dib markii 3 gool oo ay ku dhaliyeen garoonka White Hart Lane ay iska gudoon taasi oo ka dhigey ciyaarta 3-3.

Arsenal oo shan kulan oo sadex ka mid ah ku ciyaartey gurigooda hal mar badisay inta kalena barbar dhac gashay ayaa haatan waxay u dhacdey hoos heerka kala horeynta kooxaha ee Horyaalka Premiership-ka iyadoo kaalinta sadexaad gashay, halka Chelsea ay si lama filaan ah ku fariisatey kuriga labaad ee horyaalka sababo farqiga goolasha oo ay dheer tahay Arsenal 2 gool balse ay isku dhibco yihiin oo ay wada leeyihiin min 64 dhibcood halka Man United oo ay wada cayrsanayaan ay leedahay 70 dhibcood ka dib markii New Castle ay ku hakisay 0-0 ciyaartii habeen hore.Arsenal waxaa sugaya kulamo adag uu ka mid yahay kulanka ay ku martigalin doonto Emirates kooxda shayaadiinta cas cas lagu naaneyso ee Manchester United, kulankaasi oo dhici doona 1-da bisha May.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa caawa sheegay in uu rajo yar ka qabo ku guuleysiga koobka Premeirship-ka waxaana uu sheegay in uu si adag ugu shaqeyn doono in uu kooxda ku hayo afarta ugu horeysa si uu u cariirsado Champion League-ga sanadka soo socda.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com