Daraasad ay sameeyeen Dhakhaatiir u dhashay Austrelia ayaa lagu sheegay in toonta ay Dawo u tahay Dhii karka iyo weliba sara u kaca mararka qaar dhiiga soo wajaha.

Dhaakhaatiirtan oo ka tirsan Jaamacada Adiilayd ayaa waxaa ay mudo ku daba joogeen baaritaanka daraasadan,iyadoona in ka badan 50 bukaan ah ku tijaabiyaya daraasada ay sameeyeen.

Waxaa lagu ogaaday Daraasada in dhamaan bukaanadii lagu tijaabiyay Dawada dhiikarka oo ah toonta ay ugu danbayn ku raysteen,iyadoona qaarkood ay mudo dheer xanuunkaasi ay ka cabanayeen.

Kadib dhamaystirka Natiijada Daraasada,waxaa lagu soo gudbiyay guushii laga gaaray daraasadaas Majalada lagu magacaabo Maturitas ,iyadoona markii ay akhristeen dad badan oo uu dhib ku hayay xanuunka Dhii karka iyana markii danbe ay caafimaad ka heleen.

Hay ada qaabilsan caafimaadka wadnaha ee ka dhisan Britain ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la sameeyo baaritaano dheeri ah oo ku aadan daraasadan sheegaysa in toontu ay dawo u tahay Dhii karka.

Dhakhaatiirta qaybtood ay aaminsan in Dawaynta toonta ee xanuunada qaar in ay tahay dhaqan hore oo laga so guuray,iyadoona kuwo kale ay aamin sanyihiin in ay tahay casri,faa iidana ay u leedahay bukaanada qaar.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.