Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Dowlada Pakistan,waxaa inta la ogyahay ku geeriyooday qaraxyo mataana ah oo lala eegtay xarun machad Milatari oo ku taala Waqooyi galbeed Pakistan in ka abadan 69 qof,iyadoona tobanaan kale ay ku dhaawacmeen.

Inta badan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxyada ayaa ku jiray gudaha xarunta tababarka Shabqadar oo ka tirsan Degmada Charsadda,waxaana loo malaynayaa in ay fuliyeen qaraxyadaasi Labo qof oo isa soo miidaamiyay.

Qaraxyada ayaa lagu aadiyay xili ay basaska fuulayeen Ciidamada tababarka ku jiray oo fasax yar kahelay xiliga tababarka.,waxaana xili ay ku jireen fuulitaanka gawaarida laga maqlay gudaha xerada qaraxyo dhawaqoodu aad u xoogan yahay.

Waa dhacdadii ugu dhiig daadinta badnayd,tan iyo wixii ka dambeeyay sheegashada Dowlada Maraykanka ee dilka Hogaamiyihii Al qacida Sheekh Usama Bin ladin.

Ma jirto ilaa iyo hada Koox si cad u sheegatay qaraxyadaasi khasaaraha badan dhaliyay, laakiinse Daalibaanka Pakistan waxaa ay horay ugu sheegeen in ay u aargudi doonaan Sheekh Usama Bin ladin,iyadoona Maraykanka iyo xulufadiisa ay dareemi doonaan dhacdooyin xanuun badan.

Dowlada Maraykanka waxaa ay gudaha Pakistan,gaar ahaan deegaanka Abbottabad 2-dii Bishan May ay ku dileen hogaamiyihii shabakada Al qacida Sheekh Usama Bin ladin.

SBC International Monitoring