kolkii tirakoob la sheego markiiba waxaa dadkeena ku soo dhacaysa gobolkee ama qabiilkee tirada ugu badan lugu sheegay, yaase noqday gobolka ama qolada ugu yar.
Isla markiiba miskaxdu natiijo kale oo degdeg ah ayay soo saaraysaa oo ah in waxa la qaybsanayo lagaa bursanayo ha noqoto xoolo ama xukun.
Waxaan meesha ka maqnayn in tirada run iyo beenba la isugu faano oo nina ma doonayo in faanka laga badsado, mana aha wax innaga inagu gaar ah ee aadanaha waa lugu yaqaan badsiga iyo buunbuunisiga.
Ka warama haddii aan tiro badni wax lugu helayn ee qolo kasta, gobol walba iyo qof kasta laga qaadayo xoolo ama lugu xukumayo inuu shaqo qabto. Tusaale ahaan qabiilka ugu badan waxaa laga doonayaa in uu keeno 10,000 nin oo iskaa wax u qabso ku shaqeeya oo qabiilku biilkooda bixiyo muddo sannad ah, waxaa kale oo laga rabaa qabiilka ama gobolka ugu badan inay keenaan 10 milyan dollar.
Waa hubaa in nin walba oran lahaa anigu jifo yara ayaan xukumaa, gabigayaguba 500 qof baan nahay oo carruur iyo dumar u badan iyo waliba odayaal duqow ah oo aan xoog iyo xoolo midna keeni karin. dadkaan dhulka yaacayana qabiilooyinka kale ee annaga maaha.
Qormadaan ku sheegi maay qabiilooyinka laandheeraha ah oo meel walba udubkooda iyo ardaagoodu yaal iyo kuwa laangaabka ah ee geedo geedo ka dulbaxay ah oo aan iyagu dal iyo duunyo gaara midna lahayn ee waxaan muujinayaa tirakoobyo kuwa noocaan ah inooga nafci roon, cid ku murmaysa ama isku dilaysana aysan jirin ee keeni karta in aynu garanao waxa aynu haysano, ka dibna garwaaqsano waxa inaga maqan.
Tirakoobyadaas saxda noqonaya, lagana faa’iidaysan karo waxaa ka mid ah:
1- Gobolkee ama qabiilkee ugu badan xagga waxsoo saarka gaar ahaan kan wadaniga ah, sida beeraha, kalluunka, xoolo-dhaqista, warshadaha iwm.
2- Qabiilkee ama gobolkee ugu aqoonyahan badan.
3. Gobolkee ama qabiilkee ugu Qur’aan xafid badan ama cilmiga diinta ugu horreeya.
4. Qabiilkee ama gobolkee ayaa ugu dil iyo colaad yar.
5- Gobolkee ama qabiilkee dadka la dagan ugu roon oo aan dulmiyin ama takorin.
6. gobolkee ama qabiilkee ugu deeq bixin badan gaar ahaan kolkii masiibo ku habsato qayb adkeena ka mid ah
7- gobolkee ama qabiilkee ugu horumarsan xagga mashaariicda danta guud iyo adeegyada bulshada.
8. Qabiilkee ama gobolkee ayaa masaakiinta iyo dadka liita ugu gacanqabasho badan.
9. gobolkee ama qabiilkee ugu cuqdad iyo eedsheegad yar
10. Qbiilkee ama gobolkee ugu dadaal badan heshiisiinta ummadda iyo xallinta mashaakilkeeda.
Tirakoobka dhabta ah oo waxtarka inoo keeni lahaa ama dadkeena tartanka fiican galin lahaa waa tirakoobka tayada iyowaxtarka ee maaha kan sankuneeflaha l wada tirinayo.
Ka warama haddii la yiraahdo qabiilkii arrimahaas la soo sheegay ugu wanaasanaada ayaa wax walba loo badinayaa. Qoladii ugu aqoon badata ayaa madaxnimada qaadanaysa, qoladii ugu soo waxsaar baata ayaa maalgalinta loo badinayaa, qoladii diinta dhaqankeeda iyo aqoonteeda kow gasha ayaa xoolaha loo dhiibayaa, qoladii aan dadka layn ama colaado galin baa la hormarinayaa, qoladii ka shaqaynta danta guud ee ummadda ugu fiicnaata ayaa kursiga iska leh, gobolkii ama qabiilkii aan dadka qabyaaladayn ee deegaankooda walaalnimo lugula dego ayaa madaxweynaha qaadan.
Ma shaki ayaa idiinka jira in doorashada dambe ka hor qolo walba diyaargaroobi lahayd oo si ay wanaagga ugu tartanto?.
Dalkaan iyo khayraadka Alle dhex dhigay Soomaali oo dhan waa ka badan yahay, mana muuqato inay calfanayaan oo dunidii mid fog iyo mid dhowba weelal bay u soo tosheen, caqli iyo cilmi lugu difaacdana ma muuqdo ee dadkii dhaxalwareejin lahaa baa loo kala dhuumanayaa.
Waxaan maqlay diraasad lugu sameeyey dooxada Jubbakaligeed waxay shaqo, deegaan iyo nololba ugu filantahay 60 milyan oo qof, waana tiro ugu yaraan soomaaliweyn ku labanlaabanta.
Waxaan hubaa haddii dhwor mashruuc oo waaweyn dalka laga bilaabo in lugu khasbanaanayo in dibada madax iyo shaqaaleba laga dooni lahaa.
Si kastaba ha ahaatee ninkii qabiilkiisa ama gobolkiisa afka ku buunbuuniya ama qolo kale afka ku yareeya natiijadu waxay noqon “war jiraaba cakaaruu imaan” ee yaan lugu talaxtagin weerarka iyo weerar celinta anaa kaa badan iyo anaa kaa badan.
Gabagabadii Soomaaliyeey yaraan wax inaka dhimi maysee tayo xumada dhinacyada badan leh iyo gunnimadaan ina la hartay aynu ka gadoodno. Waxaynu u qaxnay ama isu dhiibnay dawlado inaka dal iyo dadba yar oo ina ihaanaystay ha ina caawiyeen ama ha ina cadaadiyeene. Innaga LAANDHEER-nimadii iyo dal weynidi maxay inoo tareen markaynu gumownay?. Maxaynu waayi lahayn haddaynu gob tira yar oo dal yar noqon lahayn?, soo sida dalalka Scandanvianka la isuma keen
dhiibeen ama sida dowladaha khaliijka dadka iqaamado uma samayneen.
Qoraalkanni Waxaa Na soo gaarsiiyay Sh. Axmed Cabdisamad, Waanna Aragtidiisa.