Maxamed Yuusuf Tigey oo xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidamada qalabka sida ayaa ku Shaaciyay inuu iska casilay xubinimada Guddiigaas.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Tigey inuu is casilay, kaddib markii uu arkay madax banaani la’aanta Guddiga, isku dheeli tirnaan iyo ixtiraam la’aan guddiga.

“Waxaan iska casilay xubinamii Guddiga Taakulaynta iyo wacyigainta Galinta ciidanka Qaranka.Markaan arkay 1 Madaxbanaani la,aanta Guddiga 3 isku dheeli tirnaan la,aanta Guddiga 3 ixtiraam la,aanta Guddiga” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Tigay.

Tigey ayaa shalay ka mid ahaa xubnaha Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulankii Shalay

Maxamed Yuusuf Tigay ayaa ah Samafale Caan ah oo si weyn looga yaqaano degaanada Puntland.

Waxaa uu ka mid ahaa Xubnihii dhawaan loo Magacaabay in Guddiga taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida.

Waxaa uu noqonayaa xubintii labaad oo iska casila Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada, tan iyo markii uu Guddigan ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo bishii July, markii uu ku dhawaaqay guddiga waxaa iska casilay 48 saacadood kaddib Jen, Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga.

Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada ayaa waxaa Guddoomiye u ah Jen, Axmed Jaamac Muuse, halka Guddoomiye kuxigeen uu ka yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, sidoo kale Guddigan ayaa waxaa xubin ka ah 13 ruux oo isugu jira saraakiil ciidan, aqoonyahano iyo dad bulshada magac ku leh.