Saxaafada wadanka Turkiga ayaa mudooyinkan waxay si weyn uga hadlayaan arimaha Soomaaliya, iyadoo qaybaha warbaahinta dalkaasi sida Telefishinada, Idaacadaha & Wargeysyadu ay ka hadlayaan xaalada Soomaaliya.

Telifishinka TRT oo ah warbaahinta ugu balaaran wadankaasi ayaa dhawaan dood arimaha Soomaaliya ku aadan wuxuu u qabtey siyaasiyiin iyo saxafiyiin rug cadaa ah oo wadamada Carabta ka soo jeeda waxaana looga hadley xaaladaha Soomaaliya ee dhinacyada amaanka, siyaasada iyo bini’aadamtinimada.

Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ah mulkiilaha Warbaahinta SBC oo dhawaan dalka Turkiga kaga qayb galey shirweyne balaaran oo loogu magac darey Turkey Africa Media Forum oo ay isagu yimaadeen mulkiilayaasha iyo madaxda qaybaha warbaahinta ugu waa weyn wadamada Afrika iyo waliba wadanka Turkiga ayaa dooda Tv-ga TRT wuxuu kala qayb galey rug cadaa dhanka saxaafada dood arimaha Soomaaliya ku aadan gaar ahaan xaaladaha ay haatan ku sugan tahay Soomaaliya.

Dooda uu qabtey Telefsihinka TRT ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaadey horumarka saxaafada Soomaaliya iyo waliba dhibaatooyinka saxaafada la soo gudboonay sida dilalka iyo xariga.

SBC International  Monitoring