Telefishin fadhigiisu yahay wadanka Mareykanka ayaa war uu ka sameeyey Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo haatan booqasho ku jooga wadanka Mareykanka wuxuu ugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya.

Telefishinkan oo lagu magacaabo WIVBTV oo saldhiisu yahay magaalada Buffalo oo ah magaalada labaad ee ugu dadka badan gobolka New York ee wadanka Mareykanka marka laga soo tago magaalada New York City ayaa wuxuu warbixin ka sameeyey Ra’isalwasaare Cabdiwali Gaas oo hadal ka jeediyey Jaamacada Buffalo halkaasi oo kula hadley boqolaal qof, waxaana warkaasi laga sameeyey Cabdiwali Maxamed Cali uu wariyihii Studiyaha fadhiyey oo warkaasi akhrinayey wuxuu ku bilaabay “Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagey xarunta Jaamacada UB (University of Buffalo), iyadoo wariyuhu wax cudurdaar ah ka bixin khaladkaasi xaga xilalka ama darajooyinka ah ee uu isku khadlay.

Inkastoo warkaasi lagu bilaabay Ra’isalwasaare Gaas oo madaxweynaha Soomaaliya lagu magacaabay ayaa hadana waxaa xusid mudan hadal kooban oo uu Ra’isalwasaaruhu si gaar ah u siiyey Telefishinka oo kaga hadlayey hawlaha shaqo ee uu hayo waxaa xaga hoose lagu soo qoray magaca Abdiwali Ali Ra’isalwasaraha Soomaaliya.

Warkaasi khalad xaga xilalka ah uu ka dhacay ayaa wali wuxuu ku jira qaybta You Tube-ka ee Telefishinka, waxaana ka dhiibtey comments ama falcelin dad badan oo ka hadley khaladka Tv-ga taasi oo ceeb ku noqotey soo saarayaashii warkaasi.

Link Video hoose ka daawo dhacdadan oo dad badan ka qoslisiisay.

HALKAN KA DAAWO