Waxaa soo gaba gaboobay kulamadii Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee caawa kaas oo ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda isku daray Tartanka xaafadaha kala ah Raf iyo Raaxo oo Boosaaso ah Vs Xaafada ay Deriska dhowyihiin ee New Boosaaso,

Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed Derbi ah oo aad u xiisobadan, waxaana uu  ugu dambeyntii ku soo dhamaaday oo ayna guushu  raacday xaafada Raf iyo Raaxo  iyadoo la timi dhibco dhan 15, halka xaafada New Boosaaso ay la timo 13 dhibic

Tartanka Kediska SBC ay qabato Bisha ramadaan waxa uu noqday  mid siweyn ay u xiiseeyaan uguna xisaabtamaan dhageysigiisa dadweynaha Deegaanada Puntland, waxaana habeen walba ku kulma 4 xaafadood oo min labo u wada tartama iyagoo la weydiinayo Su’aalo noocwalba leh, waxayna u kala qaataan min 8 Su’aal, halkaas oo ay ka soo baxdo Natiijada Dhibcaha ah, iyadoona 1kii Su’aal ay tahay 2 Dhibic, Hadii ay tahay mid laga faa iideysanayo ama soo dhaaftay xaafadii laheyd ay noqoneyso 1 dhibic.

Waxaa sidoo kale caawa wada tartarmay labada xaafadood ee kale, oo kala ahaa xaafada 1da Luulyo Boosaaso iyo Xaafada Kaambo ee Qardho.

Labadaasi xaafadood ayaa soo bandhigay tartan xiiso leh, waxaana ugu dambeyntii tartankooda labadaasi xaafadood uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada 1da luulyo Boosaaso  iyadoo la timi dhibco dhan 14, halka ay Kaambo ay la timi 13 Dhibic, oo xaafada Kaambo waxaa looga badiyay 1 dhibic oo kafaa iideysi aheyd.

Wareegani waa wareegii labaad ee is araga Xaafadaha.

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

      Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com